Friday, July 10, 2026
Home NEWS Dowlada Soomaaliya oo heshiis Is afgarad la saxiixatay dowlada Mauritania

Dowlada Soomaaliya oo heshiis Is afgarad la saxiixatay dowlada Mauritania

27

July 10 (Jowhar)- Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Muwaadiniinta Mauritania ee Dibadda, Mudane Maxamed Saalim Marzuuq, kulankan ayaa ka dhacay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mauritania.
Shirkaan waxaa goob joog ahaa Danjiraha dowlada Federaalka Soomaaliya Aljeeriya ahna Danjiraha anan dagganeyn Dalka Mauritania Amb. Yuusuf Axmed Xasan( Yusuf Jeego.

Kulanka ayaa waxaa lagu kala saxiixday seddex Heshiis Is-afagarad kuwasoo Muhiim u ah labada dowladood Soomaaliya Iyo Mauritania.

Soomaaliya iyo Mauritania, ayaa waxay iska kaashan doonaan Arrimaha Amniga ladagaalanka argagixisada kaluumeeysiga Iyo Arrimaha Batroolka Iyo Waxbarashadda.