Dowladda oo howlgal ay ku gashay gudaha Jilib ku dishay xubno Shabaab ah

411

Jan 04(Jowhar)-Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka ayaa xalay u daatay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxaana lagu dilay 15 dhagarqabe, halka sideed kale gacanta lagu dhigay.

Hawlgalka oo la fuliyay xilli habeen saqdhexe ah ayaa muujiyay kororka awoodda hawlgal ee Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan adeegsiga dhanka cirka ah, si loo ballaariyo hawlgallada, laguna gaaro cadowga goob kasta iyo waqti kasta.

Habeen hore ayey sidaan oo kale Ciidanka Danab ugu daateen deegaanka Buula-fulaay ee gobolka Bay, halkaas oo lagu dilay ku dhowaad 30 Khawaarij ah.