Dowladda oo sheegtay in horjooge Shabaab ah lagu dilay howlgal ka dhacay Xudur

0
109

Aug 10 (Jowhar)Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in saaka abaare 7:00 subaxnimo howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Warta Eey Duure, oo 30 km waqooyi kaga beegan magaalada Xudur, lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sida dowladda ay sheegtay, Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Abuukar Cali ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha sare ee Shabaab, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka Bakool.

Waqtigan, wuxuu kooxda ugu magacaawnaa madaxa maaliyadda kooxda ee gobolka, sidoo kalena wuxuu ahaa horjoogihii u qaabilsanaa askareynta carruurta yaryar ee si qasab ah loogu daro maleeshiyaadka.

Taliska CXDS wuxuu caddeynayaa in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo bartilmaameed gaar ah lagu qaaday, isla markaana lagu burburiyey shabakad Khawaarij ah oo ka howlgeli jirtay deegaankaas.