Nov 09(Jowhar)-Dowladda Somalia ayaa sheegtay in Hawlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay tuulada Abal oo qiyaastii 21KM uga beegan koofurta magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool lagu khaarijiyay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Shabaab oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Maxamed Nuur (Goofoow).
Ninkaan ayaa ahaa sida dowladdu sheegtay Hoggaamiyaha xisbada saldhigga tuulada Abal, wuxuuna ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarradii argagixisada ee lagu dhibaateyn jiray shacabka gobolka Bakool.
Tuulada Abal waxay farriisin u ahaan jirtay dhowr sanno Mukhtaar Roobow markii uu Shabaab ka baxay ka hor inta uusan isku soo dhiibin Dowladda Somalia, waxaana halkaas uu ku heystay ciidan u badan beeshiisa kuwaas oo dagaallo badan la galay kooxda Shabaab.










