U gudub nuxurka
Jimco, 20 Nofembar 2026 10 Jumaadal Aakhira 1448
Waqtiyada salaadda: Muqdisho
  • Subax
  • Duhur
  • Casar
  • Maqrib
  • Cishe
1 USD = 571 SOS
Hadalhaynta Trump U.S Gaza Key Summit Global

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo ka geystay dhowr deegaan

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo ka geystay dhowr deegaan Wararka
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo ka geystay dhowr deegaan

Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday inay duqeymo cirka ah la sameysay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) iyagoo bartilmaameedsanaya goobaha ay joogaan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab intii u dhaxaysay 13 , 15 iyo 17-kii bishaan.

Dowladdu waxay sharraxday in duqeymahaan lagu bartilmaameedsaday goobo u dhow Leego,gaar ahaan waqooyi-galbeed,Yura Lafagari oo dhacda galbeedka Jilib iyo Jamaama waqooyi-bari ee Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay sii socoshada iskaashiga milatari ee u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo AFRICOM ,si loo baacsado Al-Shabaab, iyadoo xustay in kooxdu ay khatar ku tahay amniga Soomaaliya, Mareykanka, iyo xasilloonida gobolka.

Duqeyntaan cirka ah waxay qayb ka yihiin ololaha milatari ee ay dowladda Soomaaliya bilowday 2022-kii , iyadoo taageero ka heleysa Mareykanka iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah.

Hawlgalladii ugu dambeeyay ayaa la sheegay in lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale oo ku dhuumaaleysanaayey dhulka howdka ah ee dhaca Sh/Hoose iyo Jubbooyinka.

Illaa hadda ma jiraan wax khasaaro ah oo soo gaaray dad rayid ah, mudadii ay socdeen howlgalladaasi lagu baacsasnaayey kooxaha nabad-diidka ah.

More News