Dowladda Soomaaliya oo 100 Shabaab ah ku dishay gobolka Sh.hoose

0
81

Aug 19 (Jowhar) War-saxaafadeed ka soo baxay dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ay hawlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Hawlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dhufaysyada iyo gabaadyada ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Waxa kale oo lagu xusay in halkaasi lagu dilay ilaa 100 xubnood oo ka tirsan Alshabaab kuwaas oo ay hoggaamiyayaal ku jireen.

“Xogta sirdoonka ayaa muujisay in Khawaarijtu ay u diyaargaroobayeen sidii ay isaga caabbin lahaayeen hawlgalka ballaaran ee “Duufaanta Aamusan” oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM ka wadaan deegaannada Shabeellaha Hoose,” ayaa uu warsaxaafadeedku intaasi raaciyay.