Tuesday, February 24, 2026
Home NEWS Dowladda Soomaaliya oo markii u horeysay ka hadashay bur-burka wadahadalkii mucaaradka

Dowladda Soomaaliya oo markii u horeysay ka hadashay bur-burka wadahadalkii mucaaradka

120

Feb 24(Jowhar)-Dawladda Federaalka oo markii u horeysay ka hadashay shirkii ay wada yeesheen dhankeeda iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo  sheegtay in 3 qodob heshiis lagu ahaa, kuwaas oo ah.

1. In la sameeyo guddi ka soo talo bixiya arrimaha doorashada Heer federaalka.

2. In la qabto doorashooyinka Dowlad-goboleedyada.

3. In bisha Abriil 2026 la qabto kulanka labaad ee gogosha si loo sii ambaqaado hanaanka doorashada federaalka ah.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay in golaha mustaqbalka keenen dood ah in ay door kuyeeshaan hanaanka Doorashada DG ku dhacayso, waxaana muuqata in dawladdu bilowgii ogolaatay in DG doorasho lagasho laakiin nooca laysku diiday.

“Qodobadaas waxaa ka mid ahaa in Golaha Mustagbalku ay talo toos ah ku yeeshaan hannaanka iyo maamulka doorashooyinka Dowlad-goboleedyada kale, taas oo ah arrin si cad uga hor imanaysa mabaadi’da ku xusan Dastuurka Dalka”ayaa lagu yiri warka DFS.