Saturday, April 11, 2026
Home NEWS Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Galmudug laga fulin dooni qodista ceelka shidaalka...

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Galmudug laga fulin dooni qodista ceelka shidaalka Curad-1

107

Apr 11(Jowhar)-Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa faahfaahin ka bixiyay halka laga fulinayo mashruuca qodista ceelka shidaalka ee Curad-1, isagoo sheegay in laga qodi doono badda dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka ayaa tilmaamay in goobta ceelku ku yaalo ay tahay meel u dhexeysa deegaanada Mareeg iyo Xarardheere, isla markaana ay aad uga fog tahay xeebta dalka.

“Curad-1 waxaa laga qodayaa badda ku toosan Galmudug, gaar ahaan inta u dhaxeysa Mareeg ilaa Xarardheere,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu sidoo kale xusay in ceelku ku yaallo meel aad uga durugsan barriga, iyadoo masaafo ahaan lagu qiyaasay ku dhowaad 275 kiiloomitir.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay isku diyaarineyso bilowga qodista shidaalka markii ugu horreysay, kadib markii markab qodis ah oo laga leeyahay Turkiga, laguna magacaabo Çağrı Bey, uu soo gaaray magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ku tilmaamay mashruucan mid muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.