Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hadashay Aqoonsiga Israel ee Somaliland

42

Dec 26(Jowhar)-Dowladda Soomaaliya oo goordhow war-saxaafadeed kasoo saartay Aqoonsiga Isra1l ee Somaliland ayaa si adag u diidday tallaabadan aoo ay ku sheegtay mid sharci-darro ah oo lagu waxyeelleynayo madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo caddeysay in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladdu waxay sheegtay in Soomaaliya tahay hal dal oo mid ah, isla markaana aanay jirin cid dibadda ah oo xaq u leh in ay beddesho midnimadeeda ama xuduudaheeda.

Waxay sidoo kale mar kale muujisay taageerada buuxda ee ay u hayso xuquuqda shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa aayo-ka-tashiga, iyadoo diidday gumeysi iyo barakicin.

Soomaaliya waxay caddeysay in aanay oggolaan doonin saldhigyo ciidan oo shisheeye oo dalka laga sameeyo, kuwaas oo keeni kara colaado gudaha dalka loosoo raro. Dowladda ayaa ka digtay in tallaabooyinka noocan ah ay khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay midoobaan oo feejignaadaan, waxeyna beesha caalamka ka codsatay in ay ilaaliyaan shuruucda caalamiga ah iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya