Jan 06(Jowhar)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si adag uga hadashay soo gelitaanka sharci-darrada ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel uu ku tagay Hargeysa.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Somaliland tahay qayb muhiim ah oo aan laga jari karin dhulka madaxbannaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa manata kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Somaliland, iyadoo Imaatinkiisa Somaliland aan laga tala galin dowladda Soomaaliya.










