Tuesday, May 26, 2026
Home NEWS Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay shacab lagu laayay duleedka Kismaayo

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay shacab lagu laayay duleedka Kismaayo

101

May 26(Jowhar)Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo la sheegay inay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

Iyadoo la gudanayo waajibaadka dastuuriga ah ee ilaalinta iyo dabagalka xuquuqda aadanaha, Guddigu wuxuu bilaabay baaritaan hordhac ah si loo xaqiijiyo xaqiiqooyinka ku saabsan dhacdada, isagoo la xiriiraya maamulka deegaanka, bulshada iyo dhinacyada kale ee ay khusayso.

GMXIQ waxay adkaynaysaa muhiimadda ilaalinta nolosha dadka rayidka ah iyo xaqiijinta badqabkooda, iyadoo ugu baaqaysa hay’adaha amniga iyo garsoorka inay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda. Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa sidoo kale tacsi u dirtay qoysaska, ehellada iyo dhammaan dadka ay saameysay dhacdadan.

Guddigu wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay korjoogtaynta, baarista iyo ka warbixinta xaaladaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan, caddaalad iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.