Dr Cali Xaaji”Xeer ilaalinta iyo CID-da ayaan la kaashan doonaa kiiska Isbitaalka Banaadir.”

0
28

Nov 07(Jowhar)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS, Dr Cali Xaji Adan, ayaa maanta booqasho degdeg ah ku tagay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir, kadib dhacdo lagu faafiyay baraha bulshada ee muujinaysay hooyo Soomaaliyeed oo aan helin gurmad degdeg ah.
Wasiirka ayaa warbixin ka dhagaystay maamulka isbitaalka, dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ku jiray shaqada 26-kii October 2025 xilligii ay dhacdadu dhacday. Wasiirka ayaa u kuurgalay faahfaahinta buuxda ee xaaladda, oo ay ku jiraan dib u eegista CCTV-ga, shaqaalaha iyo diiwaanada bukaan-qaadista.

“Ma ah mid la aqbali karo dhacdadan oo kale maadaama adeegyada caafimaad ee degdegga ahi yihiin xuquuq asaasi ah. waxaan balanqaadayaa in marka baaritaanka si dhab ah loosoo gebogabeeyo talaabooyin maamul iyo sharciba la qaaadi doono.”ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale sheegey in Xeer ilaalinta iyo CID-da ay la kaashan doonaan kiiskii Isbitaalka Banaadir.

Kahor booqashada Wasiirka Caafimaadka ee Isbitaal Banaadir ayaa Qoraal laga soo saaray Wasaarada Caafimaadka lagu sheegay in baaritaan lagu sameynayo dhacdada ka dhacday Isbitaalka.