Dec 28(Jowhar)-Urur-goboleedka Bariga Afrika (EAC) oo qoraal kasoo saaray Aqoonsiga ay Isra1l siisay Somaliland ayaa kahor-timid arrintaasi, waxeyna si buuxda u taageertay mowqifka Midowga Afrika, iyadoo mar kale adkaysay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo xuduudaha taariikhiga ah ee Soomaaliya.
Ururku wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso arrintaasi inay ku dhaqmaan shuruucda goboleed iyo kuwa caalamiga ah, kana fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qaranimada iyo madax-banaanida Soomaaliya.











