Sept 09-(Jowhar)-Wararka ka imanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay weerar hoobiyaal ah ku soo qaadeen saaka waaberigii xero ku taal duleedka degmada Baardheere.
Ciidamada ku sugnaa xeradaas ayaa la sheegay inay howlgalo ka sameeyeen duleedka xerada oo ku taal dhinaca Koofureed ee degmada Baardheere iyadoo halkaas ay iskahorimaad fool ka fool ah ku dhex maray ciidamadii howlgalka ka waday halkas iyo maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.
Dagaal xoog leh oo halkaa ka dhacay oo socday muddo soddon daqiiqo ah ayaa ugu dambeyntii ciidamada dowlada Soomaaliya ay dib u riixeen dagaalamayaasha Alshabaab.
Wararka ayaa sheegaya in iskahorimaadkan uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.
Weerarkan ay Alshabaab ku soo qaadeen xeradan ayaa imanaya maalmo kadib markii uu degmada Baardheere uu gaaray taliyaha ciidamada lugta General Sahal Cabdulaahi Cumar.
Xaalada goobihii dagaalka uu ka dhacay iyo guud ahaan degmada Baardheere ayaa degen iyadoo isbitaalka degmada Baardheere la gaarsiiyay ciidamo dhaawac ah.





