Jun 19 (Jowhar)-Soddon iyo shan qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ku dhaawacantay ka dib markii rag hubeysan ay Khamiistii weerareen garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Niger, sida ay saraakiishu sheegeen.
Weerarkan oo ah kii labaad ee lagu qaado garoonkan wax ka yar muddo shan bilood ah, waxayna Wasaaradda difaaca Niger ay sheegtay in dhimashada ay ka kooban tahay 22 oo dableydii weerararka soo qaaday ah, 11 askari, iyo laba qof oo rayid ah.
Mas’uuliyadda weerarka ayaa waxaa sheegtay garabka Al-Qaacida ee Jamaacada Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM).
Niger ayaa muddo toban sano ah la dagaalameysay Koox Islaami ah, bishii Jannaayo, urur xiriir la leh kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday isla garoonka diyaaradaha.
Hub badan oo ay ku jiraan qoryaha RPG-7, qoryaha AK-47, walxaha qarxa, bam-gacmeedyo, qalabka isgaarsiinta iyo kumanaan rasaas ah ayaa sidoo kale la sheegay in la qabtay.
Agagaarka garoonka diyaaradaha ayaa la xiray galabnimadii Khamiista, iyadoo ciidamada amniga ay baarayaan gawaarida soo galaya iyo kuwa ka baxaya aagga.










