Monday, July 20, 2026
Home NEWS Faahfaahino ka soo baxaya duqeyn ka dhacday degmada Biyo Cadde

Faahfaahino ka soo baxaya duqeyn ka dhacday degmada Biyo Cadde

294

July 19 (Jowhar)-Waxaa soo baxaya faahfahino la xiriira duqeyn ay diyaarado dagaal ka fuliyeen degmada Biyo Cadde oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in duqeynta ay ahaayeen illaa saddex jeer iyadoo tii ugu horeysay lala beegsaday guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan Alshabaab,kuwaasoo ay ku jireen saraakiil ajaaniib ah, waxaana halkaas ka dhacay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, waxaa la gubay illaa saddex gaari oo nooca dagaalka ah oo tiilay guriga uu shirka uga socday madaxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Duqeynta labaad ayaa lala beegsaday maleeshiyo gurmad ku timid, kuwaas oo la sheegay in khasaaro kale lagu gaarsiiyay halkaas.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada federalka ee la xiriira duqeyntan ka dhacday fiidnimadii caawa deegaanka Biyo Cadde.