Fahad Yaasiin iyo Saacid oo caawa la kulmay Shariif Sheekh Axmed

31

Jan 11(Jowhar)-Xisbiga Midowga Haybad Qaran ee dhawaan si rasmi ah looga daahfuray caasimadda dalka ayaa caawa salaan iyo xog-warayi ugu tegay Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Shariif Sheekh Axmed iyo Xisbigiisa Himilo Qaran.

Mas’uuliyiinta Xisbiga oo uu hoggaaminayo, Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna Murashax Madaxweynaha ee Haybad Qaran ayna kamid ahaayeen xubnaha aasaasayaasha ayaa Madaxweyne Shariif iyo xubno ka tirsan xisbigiisa la qaatay kulan ay kaga wadatashanayeen xaaladaha siyaasadda ee dalka iyo sidii si wadajir ah looga wajihii lahaa ilaalinta Midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isla meel dhigay in ay muhiim tahay in waqtigan xalka Soomaaliya uu ku jiro in lagu soo noqdo ku shaqaynta Dastuurkii KMG ahaa. Waxayna adkeeyeen in hore loo sii ambaqaado go’aamadii Golaha Mustqabalka ee xubnaha ka yihiin.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa Xisbiga Haybad Qaran uga mahadceliyay booqashada, salaan iyo isxogwaraysiga ay yeesheen, isagoo ku tilmaamay inuu yahay mid muhiim ah marka la eego xaaladda dalku ku jiro.

Uga dambayn, labada hoggaamiye iyo Xisbiyadooda ayaa isku waafaqay inay si dhow uga wadashaqeeyaan xaaladaha taagan ee siyaasadda iyo isu soo dhawaynta garbaha siyaasadda ee dalka.