Saturday, February 14, 2026
Home NEWS Farmaajo oo la kulmay Deni iyo Axmed Madoobe

Farmaajo oo la kulmay Deni iyo Axmed Madoobe

156
Screenshot

Feb 14(Jowhar)-Madaxweynihii 9-aad ee dalka Farmaajo ayaa kulamo gaar ah wadajir ula yeeshay madaxweynayaasha maamulada Puntlqnd iyo Jubaland ee degan Airport Hotel oo xeyndaabka Xalane ku yaala.

Farmaajo oo ay la Socdeen xubno kamid ah kooxdiisa ololaha oo uu kujiro Gudoomiyihii goblka Banaadir Cumar Finish ayaa kulankooda waxa uu u badnaa is-bariidin iyo kala warqaadasho.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xili xaaladda siyaasadeed ee dalka ay kacsan tahay oo uu jiro khilaaf u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda oo salka ku haya wax ka bedelka Dastuurka iyo daaha doorashooyinka dalka.