Nov 06(Jowhar)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa caawa ka saaray liiska argagixisada, sidoo kalena cunaqabateyntii ka qaaday madaxweynaha Suuriya , Axmed Sharac.
Mr. Sharac wuxuu sannad ka hor ahaa mid ka mid ah shaqsiyaadka loogu doonista badan yahay adduunka , iyadoo qaraarkan uu Mareykanka horgeeyay golaha ammaanka uu ku soo aaday xilli la filayo inuu toddobaadka dambe Sharac booqasho ku tago Aqalka Cad, si uu ula kulmo Trump.
Sannad ka hor ninka uu Mareykanka ku raadinayay 10 milyan oo dollar ayaa hadda loo ridi doonaa madaafiic, salan sharafna ay siin doonaan ciidanka Aqalka cad ee Mareykanka, wuxuuna noqonaya Axmed Sharac madaxweynihii u horreyay ee Suuriya oo booqasho rasmi ah ku taga Aqalka Cad.










