Jun 20 (Jowhar)-Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay inuu taageerayo hannaanka doorasho ee ku-meel-gaarka ah (Transitional Direct Elections Model), isagoo ku tilmaamay waddo lagu gaari karo xasillooni siyaasadeed iyo heshiis loo dhan yahay oo dalka ka hirgala.
Warsaxaafadeed uu soo saaray goluhu ayaa wuxuu ku shaaciyay inuu diyaar u yahay wada-hadallo iyo tanaasul siyaasadeed si loo helo is-afgarad qaran oo ku saabsan geeddi-socodka doorashooyinka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri;”Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, taasoo u baahan in la helo hannaan doorasho oo waafaqsan xaaladaha jira, islamarkaana lagu ilaaliyo hab-qaybsiga matalaadda beelaha ee 4.5. Golaha ayaa waxaa uu xusayaa in taageeradiisu ay ku xiran tahay in la helo is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran iyo in geeddi-socodka doorashooyinka lagu saleeyo wadatashi iyo heshiis ay wada gaaraan saamileyda siyaasadda dalka.”
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay inuu ka soo horjeedo in la joojiyo doorashooyinka ama la abuuro dib-u-dhac horseedi kara qalalaase siyaasadeed. Waxa uu ku baaqay in la sii ambaqaado wadahadallada siyaasadeed si loo gaaro xal waara oo dalka ka badbaadiya khilaaf iyo kala qaybsanaan.
Dhanka kale, goluhu wuxuu sheegay inuu dhowaan si rasmi ah u soo bandhigi doono faahfaahinta, mabaadi’da hagaysa iyo habraacyada la xiriira hannaanka uu taageerayo, si ay uga qayb qaataan dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed.
HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEED;











