Monday, August 10, 2026
Home NEWS Golaha Mustaqbalka oo ka soo horjeestey doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka

Golaha Mustaqbalka oo ka soo horjeestey doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka

98

Aug 10 (Jowhar)-Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaareeyay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Muqdisho laguna doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.
War Saxaafadeed ay soo saareen Golaha Mushtaqbalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ku tilmaameen doorashada mid aan sharciyad dastuuri ah lahayn maadaama baarlamaanka uu waqtigiisu dhamaaday.

“Muddo xileedka dastuuriga ah ee baarlamaanka federalka Soomaaliya wuxuu ku ekaa 14ka April 2026,sidaa darteed malahan sharciyad dastuur iyo mid siyaasadeed oo uu ku dooran karo guddoomiye cusub,mana yeelan karo awood muddo kordhin ah.”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Golaha Mustaqbalka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu doonayo doorasho hal dhinac ah taasoo ah mid baalmarsan sharciga.

Halkan ka aqriso war saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed;