Aug 10 (Jowhar)Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa u doortay guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Cabdulqaadir Maxamed Nuur kadib doorasho ka dhacday Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku guuleystay doorashada isagoo helay 142 cod, taas oo si cad uga sarreysay tirada uu helay musharraxii la tartamayey ee Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada), oo isna helay 30 cod. Natiijadan ayaa muujisay taageero ballaaran oo uu ka helay inta badan xildhibaannada Golaha Shacabka.
Doorashadan oo ay ka qeyb galeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ahayd mid si adag loola socday, iyadoo ay musharraxiintu soo bandhigeen khudbado ay ku faahfaahinayeen qorshayaashooda hoggaamineed, dib-u-habeynta Golaha, iyo sidii loo dardargelin lahaa shaqada sharci-dejinta dalka.
Kadib ku dhawaaqista natiijada, waxaa goobta ka dhacay sacab iyo hambalyo loo jeediyay guddoomiyaha cusub, iyadoo xildhibaannadu ay muujiyeen rajo ku aaddan in hoggaanka cusub uu horseedi doono isbeddel iyo hufnaan dheeraad ah oo ku saabsan shaqada Golaha.





