Friday, July 24, 2026
Home NEWS Golaha Wasiirrada oo ogoladaay xubnaha Golaha Sare ee Garsoorka

Golaha Wasiirrada oo ogoladaay xubnaha Golaha Sare ee Garsoorka

28

July 23 (Jowhar)-Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka duulaya soo jeedinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, waxay si aqlabiyad ah ku ogolaaday xubnaha magacaabista ku imaanaya ee Golaha Sare ee Garsoorka, sida uu dhigayo Qodobka 145aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2026.

Golaha Wasiirradu oo uu shir guddoomiyanayay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac ayaa meelmariyay xubnaha soo socda oo kala ah laba (2) Qareen Sare iyo laba (2) Xeeldheere Sharci oo uu xilkooduna noqonayo shan (5) sano, ka dib marka ay dhammeystiranto habraaca ansixintooda:

1. Maxamed-deeq Macalllin Aadan

2. Maryan Sheekh Cismaan

3. Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil

4. Cabdiqaadir Cali Macallin

Xubnahan ayaa ah kuwa keliya ee magacaabis ku imaanaya, halka xubnaha kale ee Golaha Sare ee Garsoorka ay ku imaanayaan xilkooda (Hadba Mas’uulka xilkaas haya uu ka mid noqonayo golahan), waxayna xilalkan kala yihiin:

1. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

2. Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka

3. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

4. Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Kore ee Dowlad goboleedyada iyo Maamulka Caasimadda Jamhuuriyadda

5. Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqda Aadanaha.