Friday, August 14, 2026
Home NEWS Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Balcad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Balcad

53

Aug 14 (Jowhar)-Guddoomiyaha Barlamaanka JFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Jaamac oo ay wehliyaan mudanayaal ka tirsan labada Gole ee Dowladda Dhexe. ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Wafdiga gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo dhaweeyay degmada Balcad Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle,Dhaqanka Mudulood, Maamulka Degmada Balcad, Haween, Dhallinyaro iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.

Wafdiga uu hogaaminayo gudoomiyaha golaha shacabka ayaa maritqaad heer sare ah loogu soo sameeyay beerta dalxiiska ee degmada Balcad halkaas oo uu ka mahadceliyay sida sharafta leh ee loo soo dhaweeyay.