Friday, August 14, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb

37

Aug 14 (Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhuusamareeb.
Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku qotoma xoojinta dadaallada dowladda ee dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, iyada oo Madaxweynuhu uu ka qayb-gali doono munaasabad tababar lagu soo xirayo cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay Galmudug daah-furi doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaannada dowlad-goboleedka, kuwaasi oo qeyb ka ah qorsheyAsha lagu dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaale iyo bulsho ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, oo uu dhageysan doona aragtidooda, baahiyahooda dowladnimo iyo talooyinkooda ku aaddan horumarka, amniga, dowlad-dhiska iyo mustaqbalka dalka.