Mar 21(Jowhar)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed, Dr. Cali Siciid Fiqi, ayaa si kulul uga hadlay la wareegida ciidanka dowladda ee Baraawe iyo degmooyin kale oo ka tirsan Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
“Qabsashada ciidanku ma aha mid caadi ah, waa weerar toos ah oo lagu qaaday jiritaanka dowlad goboleedka,” ayuu yiri Dr. Fiqi. Wuxuu sheegay in tallaabadan ay khatar gelinayso xasilloonida iyo kalsoonidii lagu qabeen hay’adaha gobolka, islamarkaana shacabka ka cabsi gelisay amniga.
Ciidanka dowladda ayaa si degdeg ah ula wareegay degmooyinka, taas oo sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo maamulka Koofur Galbeed. Dr. Fiqi ayaa ku baaqay in tallaabo degdeg ah laga qaado si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka.










