Tuesday, March 31, 2026
Home NEWS Gudoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe oo gaaray Baydhabo

Gudoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe oo gaaray Baydhabo

40

Mar 31(Jowhar)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro Iyo xildhibaano uu hogaaminayo ayaa goordhow soo gaaray Magaaladda Baydhabo, waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaatiguduud kusoo dhoweeyey wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hore ugu sugnaa Magaaladda Baydhabo, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa kulan horudhac ah la qaatay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo shalay soo gaaray Magaalada Baydhabo, saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaana uu bogaadiyey isbedelka nabdoon ee ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Magaalada Baydhabo ku amaanay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen isbedelka dhacay, isagoo sheegay in mudada uu joogo uu kulamo la qaadan doono odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaana la dhisi doono maamul ku yimaada rabitaanka shacabka reer Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.