Gudoomiye Ceynte oo qabsoomida shirka Kismaayo sabab uga dhigay madaxweyne Xasan Sheekh

45

Dec 22(Jowhar)-Shirweynihii dhowaan kusoo idlaaday magaalada Kismaayo ayaa lagu eedeeyay qabsoomidiisa in uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu diiday in la gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaan doorasho oo loo dhan yahay.

Guddoomiyaha Xisbiga Xaqsoor, Cabdiraxmaan Caynta, ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka meer-meeeay wada-hadal dhab ah oo lagu mideynayo aragtida siyaasiyiinta dalka, taasoo sababtay in shirku ku dhamaado natiijo la’aan.

“Shirweynaha Kismaayo qabsoomidiisa waxaa mas’uul ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo iska diiday inuu siyaasiyiinta dalka kala heshiiyo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Caynta.

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in dalka uu u baahan yahay wada-tashi qaran iyo hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed iyo dib-u-dhac ku yimaada geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Wararka ayaa sheegaya in weli ay jiraan dadaallo lagu doonayo in lagu soo celiyo wada-hadallada, si xal siyaasadeed looga gaaro muranka doorashooyinka.