Gudoomiye Mursal iyo xildhibaano la socday oo loo diiday iney u safraan Baydbao iyo xiisad taagan

0
171

Nov 21(Jowhar)-Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal iyo wafdi xildhibaano ah uu hoggaaminayay ayaa maanta laga hor-istaagay safar ah doonayeen iney ku tagaan magaalada Baydhabo.

Sida xoguhu tilmaamayaan, Mursal iyo xubnaha la socday waxaa diiday iney qaadaan diyaaradaha taga magaalada Baydhao oo amar kasoo baxay maamulka Koofur Galbeed loogu sheegay ineysan soo qaadi karin Maxamed Mursal, Shariif Xasan iyo xubno xildhibaano iyo wasiiro ah oo khilaaf uu kala dhexeeyo madaxweyne Lafta-gareen.

Arintan ayaa timid kadib markii Madaxweyne Xasan iyo Lafta-gareen ay isku fahmi waayeen iney xubnahan u safraan Baydhabo oo aan laga -horustaagon socdaalkooda.

Maxamed Mursal iyo Shariif oo xildhibaano iyo Siyaasiyiin daacad u ah wato ayaa ku godiyay iney warbaahinta ka hadlayaan maanta ayna sheegayaan inuu ballamihii uu la galay uga baxay madaxweyne Xasan oo uu isaga mas’uul ka yahay diidmada socdaalkooda.

Waxaa magaalada haatan ka socota waan waan lagu doonayo in xaaladda lagu dajiyo, waxaana haatan shir uu u socdaa ra’iisuo wasaarihii Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Geelle iyo xubnaha safarkooda laga celiyay, iyadoo aan la ogeyn waxa kulamadan kasoo bixi kara.