Thursday, April 9, 2026
Home NEWS Gudoomiyihii Baydhabo ee horey u raacay Lafta-gareen oo manata ku laabtay Baydhabo

Gudoomiyihii Baydhabo ee horey u raacay Lafta-gareen oo manata ku laabtay Baydhabo

434

Apr 07(Jowhar)-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ku qaabilay C/llaahi Cali Watiin oo ah Guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada.

Mas’uulkan ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii raacay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ee aaday Nairobi, kaddib markii Ciidamada DFS iyo kuwa deegaanka ay gudaha u soo galeen Baydhabo isbuucii hore

C/llaahi Watiin ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Baydhao, kaddib wada hadalo lagu qanciyay inuu dib howshiisa u bilaabo, kana shaqeeyo Nabadgelyada iyo howlaha maamulka ee adeegga dowladda hoose ee Baydhabo.