Sep 13(Jowhar)-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Sabtida, 20-ka September 2025.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Guddoonka ayaa lagu sheegay in kalfadhigan uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan, maadaama la filayo in lagu ansixiyo sharciyo dhowr ah oo quseeya arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo geeddi-socodka doorashooyinka dalka.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in kulanka furitaanka ay ka qeyb geli doonaan madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka, wakiillo ka socda dowlad goboleedyada, iyo marti sharaf kale oo caalami ah.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa ugu baaqay dhammaan xildhibaanada labada Aqal inay si buuxda uga soo qeyb galaan fadhiyada, si loo dardargeliyo howlaha sharci dejinta iyo kormeerka dowladda.