Halka ay kala taagan yihiin mucaaradka iyo madaxweyne Xasan ee wadahadalka socda

0
60

Aug 10 (Jowhar) Shirka Villa Somalia iyo Mucaaradka oo fadhigii afaraad maanta galay waxaa dooddu ka taagan tahay Dastuurka qodobkiisa Chapter 4 ee is bedelka lagu sameeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mabda’ ahaan ka soo dabcay inuu wada hadal ka galo qodobada Chapter 4, hase ahaatee Mucaaradka ayaa qudhooda dooddooda kala caddeyn oo aan iskula socon qodobkaas

Xubnaha Mucaaradka qaar ayaa doonaya in Madaxweynuhu si duuduub uga tanaasulo Chapter 4, dibn loogu laabto Dastuurkii  2012. halka ninka Jakatoorka ah ee la rumeysan yahay inuu sabab u yahay in wada hadalka aanu fashilmin.

RW Hore Cumar Cabdirashiid uu kaga duwan yahay dhanka faahfaahinta (details) ee qodobada ku chapter 4 sida in nidaamka doorashada Madaxweynaha, awoodda xil ka qaadis ee Ra’iisul Wasaaraha iyo arrinta saddexda Xisbiyada.

Fadhiga afaraad ee wada hadalka Villa Somalia iyo Mucaaradka waxaa maanta ku cusub Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo aan horay uga qeyb gelin saddexdii fadhi ee horay u dhacay, isagoo safarro ugu maqnaa dibadda.