Friday, March 27, 2026
Home NEWS Hay’ada NIRA oo xafiis ka dhex furatay Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya

Hay’ada NIRA oo xafiis ka dhex furatay Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya

46

Mar 27(Jowhar)- Munaasabad lagu daahfurayay xafiiska hay’adda NIRA ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee NIRA Cabdiweli Cali Cabdulle ayaa xarunta Safaaradda dalkaasi ka daahfuray Xafiiska Hay’adda NIRA.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Magaaalada Nairobi ayaa waxaa ka qeybgalay diblomaasiyiinta Safaaradda iyo masuuliyiin kale.

Maareeyaha Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Qaranka mudane Cabdiweli Cali Cabdulle ayaa tilmaamay in shaqada Hay’adda la balaariyay, isla markaana Safaaradda ay noqoneyso tii 30-aad ee ay ka hirgelinayaan Xafiiska Hay’adda NIRA.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa xusay in wixii hadda ka dambeeya ay bulshada Soomaaliyeed fursad u heli doonaan in xarunta Safaaradda ay ka qaataan kaarka aqoonsiga.