July 11 (Jowhar)- Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Golaha Wasiirrada cusub ee dowlad-goboleedka, isagoo sheegay in magacaabista ay salka ku hayso Dastuurka Koonfur Galbeed iyo baahida loo qabo dardargelinta howlaha dowladda.
Golaha Wasiirrada cusub, ee la shaaciyay ayaa waxa ay ka kooban yihiin 55 xubnood. Xubnaha cusub ayaa isugu jira 26 Wasiir, 3 Wasiiru-dowle, iyo 26 Wasiir Ku-xigeen.
Wasiirka Amniga Gudaha,ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xuseen Maxamed Xaaji Wasiirka Maaliyadda, Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto) Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamed Cusmaan Maxamed Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, halka Fahad Maxamed Xuseen loo magacaabay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda.
Halkan Hoose ka aqriso liiska magacyada golaha wasiirada Koofurgalbeed














