Thursday, July 30, 2026
Home WORLD NEWS Hoggaamiyaha Mucaaradka Uganda oo la dhigey isbitaal kadib markii uu miyirbeelay

Hoggaamiyaha Mucaaradka Uganda oo la dhigey isbitaal kadib markii uu miyirbeelay

0

July 30 (Jowhar)-Hogaamiyaha mucaaradka Uganda, Kizza Besigye, ayaa la dhigay qaybta daryeelka degdegga ah (ICU) ee magaalada Kampala, ka dib markii uu miyir-beelay intii lagu guda jiray dacwadda loo haysto ee la xiriirta khiyaano-qaran, sida ay sheegtay xaaskiisa.

Siyaasigan oo 70 jir ah ayaa xirnaa tan iyo bishii Nofembar 2024. Qareenkiisa ayaa sidoo kale la xiray bishii hore, Siyaasigan oo muuqaalkiisa laga dareemayo daciifnimo ayaa diidmo ka muujinayay tallaabada lagu magacaabay qareenno dowladda ka socda si ay u matalaan, xilligaas oo uu dhulka ku dhacay, taasoo keentay in ilaalada xabsiga ay si degdeg ah ugu qaadaan isbitaalka.

“Waa miyir-beel, ma hadli karo, mana ka jawaabayo xitaa dareenka xanuunka,” ayay barta X ku qortay xaaskiisa, Winnie Byanyima, oo madax ka ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaallanka HIV iyo AIDS-ka (UNAIDS).

Besigye, oo afar jeer u tartamay xilka madaxweynaha isagoo la tartamaya hoggaamiyaha muddada dheer Yoweri Museveni, ayaa laga soo qabtay dalka Kenya sannadkii 2024 waxaana dib loogu celiyay Uganda.

Dacwad oogayaashu waxay ku andacoonayaan in Besigye iyo eedaysanayaashiisa ay qorsheynayeen inay afgembiyaan dowladda Madaxweyne Museveni.
Khiyaano qaran waa dambi dil ah oo ka dhaca Uganda haddii lagu helo dambiga siyaasiga halyeeyga ah waxaa lagu xukumi karaa dil.

Waxaa loo wareejiyay Isbitaalka Qaranka ee Mulago (Mulago National Referral Hospital), oo ah isbitaalka dadweynaha ugu weyn Uganda, balse wuxuu diidayay in ay daaweeyaan shaqaalaha caafimaadka ee dowladda. “Ma ogolaanayo in sarkaal dowladeed uu taabto,” ayay tiri Byanyima.

Xaaskiisa ayaa dalbatay in loo ogolaado Besigye inuu daaweyn ka helo dhakhtarkiisa gaarka ah isagoo jooga xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay, halkii laga daaweyn lahaa xarun caafimaad oo dowladeed.

Qaybta daryeelka degdegga ah (ICU) ee lagu daaweynayo Besigye ayaa waxaa ilaalinaya ciidamo si xooggan u hubaysan. Wararku waxay sheegayaan in walaashii, oo sidoo kale ah dhakhtarkiisa gaarka ah, hadda loo ogolaaday inay aragto.

Waxaa jira baaqyo sii kordhaya oo ka imaanaya qoyskiisa, mucaaradka, iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha, kuwaas oo dalbanaya in Besigye la sii daayo iyadoo la eegayo xaaladdiisa caafimaad.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Besigye la dhigo isbitaalka tan iyo markii la xiray. Bishii Febraayo 2025, waxaa la geeyey xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay ka dib markii xaaladiisa caafimaad ay ka sii dartay isagoo ku guda jira cunto-joojin sabab la xiriirta sii xirnaantiisa. Waxa loo qaaday cusbitaal muddo kooban oo uu mar kale ku sugnaa horraantii sanadkan.

Bobi Wine, oo ah siyaasi mucaarad ah oo u dhashay dalka Uganda oo isaga cararay dalka isaga oo naftiisa u baqaya ka dib markii uu ku tartamay doorashadii madaxtinimo ee bishii Janaayo, ayaa sheegay in Besigye uu ka soo muuqday maxkamada isagoo si cad u xanuunsanaya ay tahay “xadgudub naxdin leh oo lagu sameeyay xuquuqdiisa aasaasiga ah”.
Besigye waxa uu mar soo noqday dhakhtarka gaarka ah ee Museveni ka hor inta aanu noqon siyaasi sanadkii1999-kii. Sannadihii u dambeeyay waa uu ku yaraa dhaq-dhaqaaqa siyaasadda, kamana uusan tartamin doorashada 2021-ka.