Hoggaamiyeyaasha Yurub oo ku biiraya kulanka Zelensky iyo Trump ee Aqalka Cad

0
65

Aug 18 (Jowhar)Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa sheegay iney ku biirayaa  kulanka uu Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu maanta oo Isniin ah Aqalka Cad kula yeelanayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa kulanka waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha UK Sir Keir Starmer, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Madaxweynaha Guddiga Midwoga Yurub Ursula von der Leyen iyo Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte.

Arrintani waxay ku soo beegmaysaa kadib markii Trump uu ku guuldareystay inuu heshiis kama dnabeys ah ka gaaro soo afjarida dagaalka Ukraine intii uu wadahadalada Alaska kula lahaa Jimcihii Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa si taxaddar leh uga falceliyey natiijada kulanka Trump iyo Putin, iyagoo ka fogaaday dhaleeceynta isbeddelka jihada inkasta oo muddo dheer ay taageersanaayeen xabbad-joojin.

Wararka ayaa sheegaya in Putin uu Trump u soo bandhigay qorshe nabadeed oo ku saabsan in Ukraine ay ka baxdo gobolka Donetsk ee Donbas, taa beddelkeedana Ruushku uu joojinayo dagaalka jiida hore ee Zaporizhzhia iyo Kherson.

Ruushku waxa uu sheeganayaa in Donbas ay tahay dhulka Ruushka ah, isaga oo gacanta ku haya inta badan Luhansk iyo qiyaastii 70% Donetsk. Waxa kale oo uu sharci darro ku qabsaday gacanka Crimea sanadkii 2014, siddeed sano ka hor duullaankii Ukraine.