Mar 16(Jowhar)-Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in qaybo ka mid ah gantaalo y ku dhaceen meel aad ugu dhow xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee ku yaalla Jerusalem.
Sida ay wararku tilmaamayaan, burburka gantaalka ayaa ku dhacay meel dhowr mitir oo kaliya u jira xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu, kaddib markii nidaamka difaaca hawada uu isku dayay inuu ka hortago gantaalada Iran ka imaanaya.
Ilo amni ayaa sheegay in gantaallada ka-hortagga ah ee difaaca hawada mararka qaarkood ay qaybo ka mid ah ku soo dhacaan dhulka kaddib marka ay hawada ku qarxaan, arrintaas oo sababi karta khatar gudaha ah.
Warbixintu ma sheegin wax khasaare ama dhaawac ah oo ka dhashay dhacdadan, balse ciidamada iyo adeegyada gurmadka ayaa la sheegay inay goobta gaareen si ay u baaraan xaaladda.










