Dec 04(Jowhar)-Ilhan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa sheegtay in Trump uu ku qafiifay isla markaana weerarka uu ku hayo iyada iyo guud ahaan Soomaalida uu ku qarinayo guuladarrooyinka maamulkiisu wajahayo.
Ilhaan ayaa intaasi ku dartay in beegsiga Trump aan lagu cabsi geli karin. Waxey sheegtay in aysan la yaab laheyn in Trump uu si gaar ah u beegsado bulshooyinka qaar, iyadoo tilmaanaty in mar walba uu dadka madowga ah io Muslimiinta bartilmaameedsado.
Trump ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongareyskaiyo Xisbiga dimuquraadiga ah ee Mareykanka, iyo guudahaan bulshada Soomaalida ah.










