Ilhan Omar oo si kulul uga jawaabtay go’aanka Soomaalida ka dhanka ah ee Trump

0
32

Nov 22(Jowhar)-Xildhibaanadda Congress-ka Maraykanka, Ilhan Omar, ayaa si adag uga jawaabtay hadalka Madaxweynaha Maraykanka ee ku saabsanaa joojinta barnaamijka TPS ee ilaalinayay Soomaalida Minisotta.

Ilhan Omar ayaa tiri:

“Aniga iyo inta badan Soomaalida America waxaan nahay muwaadiniin; siyaasadda la beddelayna wax saamayn ah nagu yeelan mayso.”

Hadalkeeda ayaa imaanaya kadib markii Madaxweynaha Maraykanku uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu joojiyay TPS, oo ahaa qorshe muhiim ah oo ka hortagayay tarxiilka Soomaalida, maadaama Soomaaliya weli aysan xasillooni buuxda ka jirin.

Arrintu waxay ka mid tahay mowduucyada ugu kulul ee hadda ka socda siyaasadda gudaha Mareykanka, gaar ahaan Minnesota oo ah halka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee dalkaas.