July 15 (Jowhar)-Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku eedeyay dowladda federaalka Soomaaliya dagaal ka dhacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag,
Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in Dawladda Federaalka ah ay maalmahan Gobollada Puntland ee nabadda ah ka dhex waddo Hurin colaadeed, kicin bulsho iyo degenaansho la’aan.
“Waxaan sida ugu adag ugu cambaaraynaynaa Xukuumadda Federalka inay galabta Maleeshiya hubaysan oo ay soo abaabushay ay Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan ka abuureen xiisad colaadeed keentay dhimasho nafeed.”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Maamulka Puntland.
Dagaal ka dhacay deegaanka Dhahar ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii ku dagaalamay iyo weliba dad rayid ah.
Dagaalka ayaa la soo sheegay in uu u dhexeeyo, dhinacyo kala taageersan Puntland iyo malleeshiyaad deegaanka ah, hase yeeshee ka soo wada jeeda gobolka.
