Jul 23 (Jowhar)-Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku-simaha Madaxa Unicef ahna Madaxa barnaamijyada Naser Sayid oo maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimada Dowladda Hirshabelle.
Kulanka ayaa looga hadlay xaalada bani’aadanimo ee dowlada Hirshabelle Iyo kaalinta ay hay’adda UNICEF ka qaadato.
Ku-simaha Madaxa Hay’adda Unicef Naser Sayid ayaa ku boogaadiyey Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle garab-istaaga bulshada nugul.
“Kaalin shaqo oo weyn ayaa ka dhaxeyso Hirshabeelle iyo Unicef, soo gaaristiina Jowhar ayaana ka turjumeyso.” Waxaa sidaasi yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynaha Cali Guudlaawe ayaa uga mahadceliyey Unicef iyo Hay’addaha kale taageeradooda ku aadan shacabka Soomaaliyeed.
Mudadii uu booqashada ku joogay magaalada Jowhar ku-simaha Madaxa Unicef ahna Madaxa barnaamijyada Naser Sayid ayaa waxa uu booqday Xarunta Caafimaad ee Kulmis iyo Isbitaalka Guud ee magaalada Jowhar.