Pezeshkian:”Iran waxay diyaar u tahay inay markale dagaal la gasho Israel”

0
160

Jul 23 (Jowhar)-Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay dagaal kasta oo ay Israel ku qaadi karto, isaga oo intaa ku daray in aanu rajo ka qabin xabad joojinta u dhaxaysa dalalkaas.

Waxa kale oo uu xaqiijiyay in Tehran ay ka go’an tahay sii wadida barnaamijkeeda Nukliyeerka ee dhinaca nabadeed.

Pezeshkian ayaa hadalkan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay Aljazeera,waana mid ka mid ah wareysigii ugu horeeyay tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii 12-ka maalmood socday ee Iiraan iyo Israel bishii hore.

Wareysigan ayaa ku soo beegmay iyadoo dalalka reer galbeedka ay sheegeen inay xal u raadinayaan hamiga nukliyeerka ee Iran ee socda ka dib colaadda, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in weerarrada lagu qaaday xarumaheeda Nukliyeerka ay ahaayeen kuwa ka waxyeello yar marka loo eego sheegashada Washington.

“Waxaan si buuxda ugu diyaargarownay dhaqdhaqaaq kasta oo cusub oo militari Israel, ciidamadeena qalabka sida waxay diyaar u yihiin inay gudaha Israa’iil mar kale weeraraan,” Pezeshkian ayaa ku sheegay wareysiga uu siiyay Al Jazeera.

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in weeraradii Tehraan ee saldhiga Al-Udeid ee Qatar kadib weeraradii Mareykanka ee xarumaha Nukliyeerka Iran aysan ahayn weerar ka dhan ah Qatar iyo dadkeeda.

“Xitaa ma hayno fikrad ama mala-awaal ah in cadaawad ama xifaaltan naga dhexeeyo annaga iyo dawladda Qatar,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in uu wacay Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani maalintii ay duqeyntu dhacaysay si uu ugu sharaxo mowqifkiisa.

“Waxaan si cad oo daacad ah u sheegayaa in aanan weerarin dowladda Qatar, laakiin waxaan weerarnay saldhig Mareykanka uu ku duqeeyay dalkeena.”ayuu sii raaciyay.

Pezeshkian waxa kale oo uu ka hadlay isku day ay Israa’iil ku doonaysay in ay ku disho xilli uu ka qeybgalayay shir uu Golaha Ammaanka Qaranka ee Tehran ku yeeshay 15-kii June, kaas oo la sheegay in uu dhaawac fudud ka soo gaaray.

“Weerarka waxa uu qayb ka ahaa qorshe ay taliyeyaasha Israa’iil ku doonayeen in ay ku beegsadaan hoggaanka siyaasadda ee Iran ka dib dilkii ay u gaysteen saraakiil sarsare oo ka tirsan milatariga, si ay dalka u galiyaan fowdo si gebi ahaanba loo afgambiyo,Balse qorshahaasi waa uu fashilmay.”ayuu yiri.

In ka badan 900 oo qof ayaa lagu dilay Iran, tiro badan oo ka mid ahn ay ahaayeen dad rayid ah, ugu yaraan 28 qof ayaa lagu dilay Israa’iil ka hor intaysan xabad joojin dhicin 24-kii June.