Monday, March 9, 2026
Home NEWS Inkabadan 1200 oo Iraniyiin ah oo lagu dilay weerarada Mareykanka iyo Israel

Inkabadan 1200 oo Iraniyiin ah oo lagu dilay weerarada Mareykanka iyo Israel

12

Mar 08(Jowhar)- In ka badan 1,255 qof ayaa ku dhintay, 12,000 kalena way ku dhaawacmeen Iran sagaalkii maalmood ee la soo dhaafay.

Ali Jafarian, ku-xigeenka wasiirka caafimaadka Iran, ayaa sheegay tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay Iran sagaalkii maalmood ee la soo dhaafay:

• In ka badan 12,000 qof ayaa dhaawacmay, halka 1,255 qof ay ku dhinteen.

• Da’da dadka dhibbanayaasha ah waxay u dhaxaysay 8 bilood ilaa 88 sano.

• 200 haween ah ayaa ka mid ah dadka la dilay.

• 168 carruur ah ayaa lagu dilay duqayn ka dhacday dugsiga hoose ee Minab.

• 55 shaqaale caafimaad ayaa dhaawacmay, halka 11 kale ay dhinteen, oo ay ku jiraan 4 dhakhtar, 2 kalkaaliye caafimaad iyo 3 shaqaale gurmad degdeg ah.