July 20 (Jowhar)-Wararka ka imanaya deegaanka Laag ee degmada Boosaaso ayaa sheegaya in goordhaweyd ay halkaas isku rasaaseeyeen ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland iyo kuwa ka tirsan PSF.
Israsaasaynta ayaa timid kaddib markii ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo halkaas degan ay u diideen in ay gudbaan kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidmada PSF, kuwaas oo yimid magaalada Boosaaso.
Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay israsaasaynta, waxaana weli labada ciidan isku horfadhiyaan deegaanka Laag, iyada oo marar qaar la maqlayo rasaas goos goos ah.
Ciidamada Puntland iyo kuwa PSF ayaa marar kala duwan ku dagaalamay gudaha magaalada Boosaaso, waxaana hadda PSF ka mid tahay ciidamada federaalka uga diiwaangashan deegaannada Puntland.










