Saturday, February 28, 2026
Home NEWS Israel iyo Mareykanka oo weerar ku qaaday Iiraan

Israel iyo Mareykanka oo weerar ku qaaday Iiraan

0

Feb 28(Jowhar)-Qaraxyo culus ayaa laga maqlay magaakada Tehran ee caasimadda dalka Iran, iyadoo uuro  iyo Qiiq madow uu cirka isku shareeray.

Telefishinka dowladda Iran ayaa qiray in qarax dhacay, balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Israel ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyadoo Wasiirka Difaaca Isrra1l Katz uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay guud ahaan Isra1l.

Isla waqtigaas, Siiriyo digniin ah ayaa ka yeeray guud ahaan Isra1l. Militariga ayaa sheegay in digniintaasi ay ahayd “tallaabo hore oo lagu diyaarinayo dadweynaha suurtagalnimada in gantaallo loo soo rido dhankooda.

Qarxyadan ayaa imaanaya xilli xiisadda u dhaxaysa Iran iyo Mareykanka ay cirka sii galeyso, taasoo la xiriirta barnaamijka nukliyeerka ee Tehran.