Tuesday, June 23, 2026
Home NEWS Israil oo beenisay inay ciidamo u dirtay Somaliland

Israil oo beenisay inay ciidamo u dirtay Somaliland

44

Jun 23(Jowhar)-Wasaaradda Arrimaha Dibedda Israa’iil ayaa war been abuur ah ku tilmaantay warar la isla dhex marayo oo sheegaya in Israa’iil ay ciidamo u dirtay jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ee hore loo oran jirat Twitter, ku sheegtay in wararkaasi aanay waxba ka jirin.

Warkan ayaa ah mid saacadihii la soo dhaafay la hadal hayay, ilaa hadana Somaliland dhankeeda kama aysan hadal amaba ma xaqiijin.

Wararka ayaa sheegayay in tiro yar oo milatariga Israa’iil ah oo lagu qiyaasay ilaa 50 oo asal ahaan ka soo jeeda Afrika loo diray Somaliland, taas oo qeyb ka ah heshiis dhanka amniga ah oo ay gaareen labada dhinac.

Israa’iil kuma leh wax saldhig ah jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland,lakiin waxa ay tababaraysaa booliskeena iyo ciidamadeena milatari, ayuu dhawaan yiri wasiirka difaaca Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, iyada oo ay dalbadeen maalgelinta Israa’iil ee beeraha iyo dhinacyada kale.

Hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhawaan ay gaareen Somaliland ciidamo Israel ah kuwaasi oo tababaraya ciidamada maamulka Somaliland.