Wednesday, March 25, 2026
Home NEWS Koofur Galbeed oo cafis u fidisay ciidanka kasoo horjeeda maamulkooda hadii….

Koofur Galbeed oo cafis u fidisay ciidanka kasoo horjeeda maamulkooda hadii….

12
Screenshot

Mar 25(Jowhar)-Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ay cafis u fidinayso soona dhaweynayso ciidamada DFS, gaar ahaana kuwa kasoo jeeda deegaanadeeda ee ay sheegtay in lagu qasbayo ajendaha weerarida deegaankooda ee aysan raalida ka aheyn, ayna ka faa`iideystaan cafiskaas.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Baydhabo ayaa lagu sheegay in doorashooyinka ka dhacaya Koonfur Galbeed ay ka qeybgali karaan dhammaan dhinacyada siyaasadda & musharaxiinta doonaysa xilalka kale duwan oo ay saaxadu furan tahay.

Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ay qabanayso doorasho loo dhan yahay, xor iyo xalaal ah, diyaaradaha rayidka ahna waxay uga digtay in ficilada daabulka hubka ay masuuliyad ka dhalan doonto.