Sunday, March 15, 2026
Home NEWS Kooxda Shabaab oo Toogasho ku fulisay dad ay Basaasnimo ku eedaysay

Kooxda Shabaab oo Toogasho ku fulisay dad ay Basaasnimo ku eedaysay

44

Mar 15(Jowhar)-Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta AS ayaa 5 qof oo dadka deegaanka ka mid ahaa ku toogatay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

Dadka la toogtay oo 5 nin ka koobnaa ayay AS ku eedaysay in ay Basaasiin u ahaayeen dowladaha Somaliya iyo Maraykanka.

Ma jirto cid si madaxbanaan u xaqiijin karta Sheegashada AS laakiin kooxda ayaa eedeentaan u jeedisay ka dibna ku toogatay fagaare ku yaala magaalada Jilib sida wararku ay sheegayaan.