Kooxo Hubeysan oo Askari NISA ah ku dishay Magaalada Muqdisho

17

Dec 02(Jowhar)-Kooxo hubeysan ayaa maanta dil u geysatay Cumar Kalaxay, oo ahaa askari dharcad ah oo ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA). Falka dilka ah ayaa ka dhacay isbaaradii hore ee Saruurka, oo ku taalla degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in rag ku hubeysnaa bistoolado ay si dhow ugu yimaadeen marxuumka, halkaasna ay ku toogteen, waxaana durbadiiba meydkiisa loo qaaday isbitaalka Madiina.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dilaaga uu ka baxsaday goobta, iyadoo weli ay socdaan baaritaanno ay wadaan hay’adaha amniga si loo ogaado cidda ka dambeysa falkaasi.

Ciidanka ammaanka ayaa kordhiyay howlgallada ka socda xaafadaha ku dhow halka uu dilku ka dhacay, laamaha amniga ee dowladda auaan wax war ah kasoo saarin falkan.