Wednesday, March 11, 2026
Home NEWS Kuuriyada Waqooyi oo taageero xooggan u muujisay Iran

Kuuriyada Waqooyi oo taageero xooggan u muujisay Iran

0

Mar 11(Jowhar)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa si kulul u cambaareysay hawlgallada militari ee ay Maraykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen gudaha Iran. Wasaaraddu waxay sheegtay in weerarradaasi ay yihiin “dagaal gardarro ah oo aan la aqbali karin”, isla markaana ay ka tarjumayaan waxa ay ku tilmaantay siyaasad awood sheegasho ah oo Washington ay ku dhaqmeyso.

Bayaan kasoo baxay Pyongyang ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka militari ee Maraykanka iyo Israa’iil ay halis gelinayaan nabadda iyo xasilloonida gobolka Bariga Dhexe. Dowladda Kuuriyada Waqooyi waxay ku eedeysay Washington in ay sii hurineyso xiisadda caalamiga ah.

Sidoo kale, Kuuriyada Waqooyi waxay caddeysay in ay garab taagan tahay Iran, isla markaana ay la wadaagayso Tehran dareenka iyo xaaladda adag ee ay ku sugan tahay.

Pyongyang ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay ka hortagaan tallaabooyinka militari ee kordhin kara colaadaha, iyadoo ku adkeysatay in arrimaha caalamiga ah lagu xalliyo wadahadal iyo siyaasad.